Baarlamaanka oo berri la horgeynayo heshiiska Dowlada iyo Maamul goboleedyada

barlamaan

Labada aqal ee Baarlamaanka dalka ayaa berri oo sabti ah 26-ka September yeelanaya fadhi wada-jir ah oo ay uga doodayaan heshiiska siyaasadeed ee doorashada oo ay 17-dii bishan gaareen dawladda Federaalka Soomaaliya, dawlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir, kaas oo la doonayo inay ansixiyaan Baarlamaanka.

Mudanayaasha golaha shacabka iyo aqalka sare ayaa la gaarsiiyey farriin ogeysiis ah oo ah inay berri 9:00am ka soo wada qayb galaan fadhi wada-jir ah oo Baarlamaanku yeelanayo, si ay uga doodaan heshiiskan siyaadsadeed, ka dibna ay cod ugu qaadaan.

Heshiiska siyaasadeed ee doorashada ayaa qeexaya hab-raaca doorashada dalka ka dhacaysa, waxaana qodob ka mid ah uu sheegayey in la hor geeyo Baarlamaanka si ay ugu badalaan go’aan sharci ah oo tixraac rasmi ah u noqon kara geedi socodka doorashada.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.