Ciidamada Xooga oo qaarijiyey Horjoogayaal ka tirsan Al-shabaab

dagaal

Ciidanka kumaandooska soomaaliya ee danab oo ku hubeysan gadiidka dagaalka ayaa labo jiho ka weeraray degaanka mubaarak ee gobolka shabellada hoose.

Kumaandooska soomaaliya ayaa howlgalka ku dilay gudoomiyihii al-shabaab ee degaanka mubaarak iyo tiro ka tirsan maleyshiyada al-shabaab.

Nabadiidka al-shabaab ayaa sumeeyay ceelasha biyaha degaanka mubaarak.

sidoo kale ciidanka kumaandooska soomaaliya waxa ay howlgalka ku bur buriyeen gaari hoomey ah oo nabadiidka al-shabaab ay ku diyaariyeen walxaha qaraxa.

Saraakiil ka tirsan ciidanka kumaandooska soomaaliya oo la hadlay idaacada Ciidamada ayaa sheegay in howlgalka lagu dilay.

Horjogihii al-shabaab u qaabilsanaa degaanka mubaarak iyo tiro maleyshiyaad ah.

Saraakiisha danab  waxa ay horjogaha la dilay magaciisa ku sheegeen sheekh cabdulle gaare oo nabadiidka al-shabaab u qaabilsanaa degaanka mubaarak.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.