Sawiro:Cumar Filish oo kormeeray dhismaha Saciid Barkhash ee degmada Shangaani

saciidbarqash

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa kormeeray dhismaha taariikhiga ah ee Saciid Barkhash ee degmada Shangaani oo maalmihii ugu danbeeyay uu kajiray muran la xariira dhismahaasi.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in dowladda hoose ee Xamar ay dadaal xooggan galisay dib u dhiska iyo bilic soo celinta xaruumaha muhimka u ah shacabka ku nool caasimadda dalka,isagoo beeniyay wararka sheegaya in la boobayo Darjiinkaasi, waxa  uuna bulshada Soomaaliyeed u sheegay in maamulka gobalku gacanta ku haayo dhismaha iyo dayac tirka ka socdo darjiinkaasi.

Darjiinkani ayaa waxa uu ku burburay dagaalladii sokeeye waxaana hadda dhismo ku wado dowladda hoose ee Xamar.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.