Daawo:Xildhibanada oo loo baaqay inay ka tobadkenaan Gafkii ay Diinta u gaysteen

maryan

Shiiq Cali Wajiis oo kamida Culumada Soomaliyeed ayaa Xildhibanada Dowlada federaalka ah ugu baaqay inay ka Towbad Keenan gafkii ay u gaysteen Diinta Islaamka iyo dhaqanka Soomaliyeed.

Xildhibaan Maryan Haaruun ayaa Difaacday waxa ay ugu yeertay Xuquuqda Gaalada Soomaalida ah ee Xubnaha Xil qabashada Dowlada Sooomaaliya waxayna Tiri “”Xubnaha loo magacaabayo Hay’ada socdaalka waa inay Yihiin Somali Muslim ah sida xeerku qorayo waxaan Codsanyaa bay tiri in Muslimka laga reebo si Somalida Diimaha kale haysata isugu soo sharaxaan.

Wasiirka Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Marwo Deeqa Yaasiin ayaa ah wasiirada Soo gudbisay xeerka kasoo horjeeda dhaqanka Soomaliyeed iyo Diinta Islaamka, Wasiirada Haweenka ayaa diiday inay dib ula noqoto xeerkaan oo ah mid laga soo keenay dhaqanka Gaalada.

Dhanka kale Shiiq Cali wajiis ayaa Xildhibaanada ku amaanay sidii ay uag dhiidhiyeen Xeerka Jinsiga kaas oo nidaamka iyo sharciga Soomaliyeed kasoo horjeeda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.