Ciidamada Xooga Dalka Shabaab ku laayey Bariire

dagaal

Ururka 143 ee Ciidanka xoogga dalka ayaa tiro maleyshiyaad ah oo ka tirsan argagixisada Al-shabaab ku dilay howl gal qorsheysan oo ay ka fuliyeen deegaanka Bariire ee gobolka Shabeellada hoose.

Ciidanka ayaa ka war helay maleyshiyaad ka tirsan argagixisada Al-shabaab oo si dhuumaaleysi ah dadka ku dhaqan tuulooyin hoostaga Bariire kaga qaadayay Lacago baad ah waxaana ay ku baxeen goobta iyaga oo howlgalkaas ku dilay ku dhawaad 12 ka tirsan Nabadiidka Al-shabaab.

Taliyaha Ururka 143 ee Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Dhamme Axmed Xasan Siyaad ayaa sheegay in howlgalka uu ahaa Mid qorsheysan isla markaana ay ciidanku xaqiijiyeen hadafkii ay u qaadeen.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.