Barasaabkii Gariisa Cali Bunow oo Nairobi Lagu Xiray

calibunow

Barasaabkii Ismaamulka Gaarisa Cali Bunow ayaa Maanta Ciidmada Boliiska Kenya kawateen Xarunta la dagaalanka musuqmaasuqa Kenya Ethics and Anti-Corruption Commission EACC.

Todobaadkii tagay ayey ahayd markii Agaasimaha waaxda dacwad soo oogida Kenya (DPP) Noordin Xaaji uu amar ku bixiyay in la soo xiro barasaabka Garissa Cali Bunow Qorane iyo saraakiil kale kuwaaso loo haysto inay wax isdaba marin ku sameeyeen lacag dhan 233 Milyan Kenya shilling ah taaso laga soo amaahday Bangiga Adduunka.

Agaasimaha waaxda dacwad soo ooggidda ee dalka Noordiin Xaaji ayaa sheegay in lacagihii la siiyay Maamulka Gariisa loo weeciyay meel aan loogu talagalin.

Sidoo kale qoraal la soo dhigay barta rasmiga ee Facebook-ga Maamul Garissa ayaa lagu beeniyay wararka ku saabsan lunsashada lacageed ee la xiriiriyay barasabka Garissa Cali Bunow Qorane iyo saraakiisha kale.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.