Maxay Horay ugu Socon la Dahay Soomaalida???

Calanka Soomaaliya

Waa su’aal mudan in laysweydiiyo oo qof kasta maskaxda geliyo Meesha Soomaaliya maanta taalo waxa ay uga keci la’dahay waxay u baahan tahay in aan cajalada dib ugu celino waayadii hore sidaas darteed aan qodobo milicsano dhacdooyin tegey oo aan dhihi karo malaha Afrika in ay gumeysiga iska kiciso waxaa macalin ugu ahaa Soomaalida,aan sababeeyo:-

1-Qarnigii 14 naad wixii dhex maray Soomaaliya iyo Abaysiina oo Diin iyo wadaniyada labada xambaarsanaa waa halgankii Axmed Gureeye, hamigii Soomaalida waxay u cuntami weydey Reer Yurub jabkii Abaysiinya kadibna waxay ku soo duuleen geyigii Soomaliya,waana nala lagday.

2-Ma baqtiyin dabkeenii ee hoos buu ka hulaaqaayey,wuxuuna oogsaday qarnigii 19naad oo daraawiishtii Siyid Maxamed Cabdulle Xasan Hogaaminaayey dib u shideen dabkii gobanimadoonka wixii dhacay 21 sano waan wada garwaaqsanahay,in dagaaalka diyaaradaha oo adduunyada ku cusbaa nalaku tijaabiyey, taariikhda dunidana ku qoran tahay gobanimo doonkii ugu horeeyey oo diyaarad lagula dagaalamo in Soomaaliya noqotay.

3-Isla qarnigii 19naad sanada kadib axsaabtii siyaasada oo dagaal falsafadeed(ideology) adeegsanaayey waa kuwii ku guuleeystay in ay Talyaani iyo Ingiriis naga saaraan ee labadii gobol Suray Calan kayaga Cawaale.

4-Kama tegi karo in aan idin xasuusiyo 1977dii wixii dhacay ee Libaaxyadii Afrika aanu u bedelnay bisadihii Afrika,kuwii weligeen karaamada iyo dadnimadayada ku soo duuli jirey baa burburiyey guulihii aanu gaarnay mar saddexaad.

5-Aan idin xasuusiyo 1960kii ilaa 1991dii dawladahii Afrika ee gumeysiga ku haray in aan annagu xoreeynay,waxaan hormood u ahayn in ay dhismaan ururo caalamiya sida ka Afrika,kan islaamka,kan dawladaha dhexdhexaadka ah iyo kan Jaamacada Carabta oo aan ku biirnay,aan idin ogeysiiyo Jamhuuriyada Shiinaha oo maanta ka mid ah qowadaha waaweyn Jamciyada qaruumaha midoobay in ay ka mid noqoto in Soomaaliya hormood u ahayd ama u sabab ahayd,Intaas oo marxaladood culumadii Soomaaliyeed bay ahaayeen aqoonyahanada dadka indhaha u ahaa xooggii fulinaayey wuxuu ahaa dhalinyarada.

Haddaba aan dulucda u dhaco culumadii iyo dhalinyaradii waxaa ku soo biiray koox saddexaad oo ah aqoonyahan ka duwan ka dunida ka jira,waayo aqoonyahanada dunida ka jira dalkooda wax bay ku soo kordhiyaan oo dhismo dal iyo dad bay ka shaqeeyaan kuweenu waa dumiyayaal,firdhiyayaal damacxumayaal,wadinixumayaal,diinxumayaal iyo isnecbayaal ayyagu is xasta.

Taas waxaa ka sii daran culumadii oo diintii damacii adduunyada dhaafsaday oo tilmaamaha aan aqoonyahanka ku sifeeyey la mid ah,waxa Meesha ka baxay wixii jahayn lahaa xoogga dhalinyarada Soomaaliyeed,waxaa kale ee ayyaduna Meesha ka maqan doorkii Suugaan leyda Soomaaliyeed oo halgamadii Soomaaliya oo dhan u ahaa hubka ugu xoogga badan oo aan adeegsan jirnay.

Kaagaba sii darane intii ay ummadda tusi lahaayeen Waxa federaalka lagu sheegay ee kala qoqobay dadkii Soomaaliyeed,dawladaha shisheeye oo dibindaabyada ku haya qaranka Soomaaliyeed,hagardaamada beesha caalamka(beesha lixaad) iyo dulaaleeyda u badan aqoonyahanada iyo culumada oo mucaaradka isku sheegaaya,taas badelkeedii waxay dhammaantooda farkufiiq iyo dhaliilo inta badan aan jirin ula taagan yihiin Fiila Soomaaliya,bal dadka Soomaaliyeedoow ila qaymeeya kooxaha aan dhaliilay laga soo bilaabo Lowyacado ilaa Raaskambooni,kama hadlaan wixii inoo qabsoomay iyo in aan wax ku sii darno,laakiin tooshka yar ee ka bidhaamaaya madaxtooyada in ay damiyaan bay dhammaan ku hawlanyihiin,bal aan is weydiinee,ma waxay diidan yihiin dhaqaalaha oo intii dhaama,ma waxay diidan yihiin ciidamada la dhisay,ma waxay diidan yihiin shaqaalaha kordhay,ma waxay diidan yihiin xiriirka dibada ee sare loo qaaday,ma waxay diidan yihiin ,musuqmaasuqa lala dagaalamay,ma waxay diidan yihiin maxaabiistii dunida ku dandareysnayd ee dalka lagu soo celiyey, ma waxay  diidayaan awooda shacbiga aan u celino cidii ay rabaan ha doorteen?Ogaada intaas saddex sano oo kooxaha aan sare ku xusay darfaha haysteen bay qabatay dawlada hadda talada haysaa.

Ugu danbayn taladaydu waxa aan haysano aan ilaashano,haddii aan bedeleyno wax dhaama aan ku bedelno,Federaalna waa fidnee ogaada, waxaan u baahanahay Gobolo awood u leh maamulkooda hoose ee dal taladiisa laysku haysto meel adduunyada ay ka jirto ma jirto(DHERIGII GACMA BATAA WAA FUUD XARAARAADAA).Yeeli mayo inyoow qaran ma noogu dhismayaa?Shacbiyahow indhaha fura,qaranka yaan qabiil dumin.

Wabilaahi towfiiq

Jimcaale.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.