Sawiro:Aas Kismaayo loogu sameeyey Guddoomiyihii rugta ganacsiga Jubbaland

raabi

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa ka qayb galay aaska Allaha u naxariistee, guddoomiyihii rugta ganacsiga iyo warshadaha Jubbaland marxuum Shaafi Raabi Kaahin oo maanta lagu aasay magaalada Kismaayo.

Axmed Madoobe ayaa qoyskii,shacabka Jubbaland,iyo shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyeeyay geerida marxuumka wuxuuna Alle uga baryay inuu naxariistii Janno ka waraabiyo.

Axmed Madoobe oo Warbaahinta  kula hadlay goobta Aaska ayaa sheegay in dhagarta Argagixisada ay tahay mid mudan in laga wada qayb qaato sidii looga hortegi lahaa, isagoo sheegay in qof masaajid illahay kasoo baxay in la dilo ay tahay mid uu  Ciqaabtiisa dhadhamin doono qofkii falkaas gaystey.

Aaska ayaa waxaa ka qeyb galay madaxweyne ku xigeennada Jubbaland,Guddoonka golaha Wakiillada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.