Sawiro:Garoonka Diyaaradaha Xudur oo Isxilqaan lagu dhisaayo

xudur

Maamulka Degmada Xudur iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa olole isxil-qaan ah oo lagu xaqiijinayo bilicda iyo badqabka diyaaradaha duulimaadyada sameeya ka wada garoonka diyaarada ee Degmada Xudur.

Howlahaan isxilqaanka ah ee ka socda garoonka diyaaradaha Degmada Xudur oo maalintii sedexaad galaya waxa si wada jir ah uga qeyb qaadanaya maamulka Degmada Xudur ee Gobolka, Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, Wakiilada shirkadaha diyaaradaha iyo bulshada reer Xudur oo ku deeqay qalabka la isticmaalayo.

Garoonka waxa laga aruurinayaa dhagxaan waa weyn oo diyaaradaha xamuulka qaada ay cabasho ka keeneen isticmaalkiisa, waxana socda dardar gelin ku aadan in aysan hakad gelin adeega bulshada ee isticmaalka diyaaradaha garoonka Xudur.

Wakiilka shirkada diyaarada Salaama Cali Karyare ayaa sheegey in shaqo badan oo laga qabtay garoonka uu ku rajo weyn yahay in diyaaradaha sidii caadiga aheyd u isticmaali karaan.

“Qalabka lagu hagaajinayo garoonka ma ahan makiinado iyo qalabkii loogu tala galay ee waa agab bulshada ku deegday oo dadka murug maalka ah ay isticmaalaan”. Ayuu yiri Cali Karyare.

Maareeyaha Garoonka Degmada Xudur Cabdullaahi Aadan ayaa bulshada ugu baaqay in ay kala qeyb qaataan ololaha isxilqaanka ah ee dib loogu habeynayo garoonka diyaaradaha magaalada Xudur.

Bulshada magaalada Xudur ayaa u arka shaqada ka socta garoonka diyaaradaha in ay tahay howlo aad muhiim u ah, Agaasimaha Madaxtooyada Degmada Xudur ee Gobolka Bakool Cumar Cabdullaahi Atuu ayaa bulshada ku amaanay sida ay uga qeyb qaadanayaan howlaha isxilqaan ee lagu dhisayo goobaha danta guud ee bulshada loogu adeego.

“Waxaa kala xiran wadooyinka soo gala Gobolka Bakool iyo kuwa isku xira Degmooyinka, garoonka diyaaradaha waa wadada keliya ee u furan degmada Xudur ee Gobolka Bakool hadii diyaaradaha ay ku degi waayaan waa caqabad horleh oo soo wajahday bulshada Gobolka, waa hadii si dhaqso ah wax looga qaban waayo garoonka”.ayuu yiri Cumar Cabdullaahi.

Xigasho warbaahinta qaranka

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.