Sawiro:Qoorqoor oo kulan la qaatay Madaxa Dekadaha Jabuuti

Qoorqoor

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye iyo wafdigii uu hoggaaminayo oo maalmahan booqasho rasmi ah ku jooga Dalka Jabuuti ayaa kulan Mirodhal ah la yeeshay Madaxa Dekadaha Dalka Jabuuti Abuubar Cumar Xadi iyo Masuuliyiin kale.

Kulankan oo ka qabsoomay Magaaalada Jabuuti ayay dhinacyadu diiradda ku saareen iskaashi dhow oo dhexmara labadda dhinac lana xiriira horumarinta iyo maareynta kaabayaasha dhaqaalaha gaar ahaan dhanka Dekadaha.

Wefdiga Madaxweynaha ayaa kala hadlay madaxda Dekadaha Jabuuti iney ka taageeraan dhismaha iyo Farsamada Dekadda Hobyo oo dhawaan la filayo in la ambaqaado.

Kulankan ayaa kusoo dhamaaday guul isfahan iyadoona la isla gartay sidii loo sameyn lahaa iskaashi ku aadan Horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.