Axmed Madoobe oo Aqalka Sarre ka sheegi doona Ciidamada Dowlada laga saaro Gedo

axmedmadoobe

Madaxweynaha ku meel gaarka ah ee Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta lagu wadaa in uu la kulmo guddoonka Aqalka Sare iyo guddiga joogtada ah ee golahaas, su’aalo laga weydiin doono arrimo dhawr ah oo kamid yihiin Shirkii Dhuusamareeb 3 iyo arimaha Doorashada.

Axmed Madoobe ayaa la filayaa inuu eedeyn usoo jeediyo Dowlada Federaalka ah isagoo soo hadal qaadiya ciidamada Dowlada ay geysay Gobolka Gedo.

Horay waxaa guddiga joogtada ah ee golaha Aqalka Sare u hor tegay madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Deni, iyagoo weydiiyey su’aalo dhowr kala duwan.

Axmed Madoobe oo Todobaadkii hore soo gaaray magaalada Muqdisho, isla markaana degan nawaaxiga madaxtooyada ayaa waxaa yaraa dhaq dhaqaaqiisa, marka loo eego kan madaxweynaha Puntland.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.