Sawiro:Guddoomiye Cumar Filish oo xarigga ka jaray mashruuc laga fuliyay isbitaalka Laasareeti

cumarfilish

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) iyo siihayaha safiirka Talyaaniga ee Soomaaliya ayaa maanta si wadajir ah xarigga uga jaray mashruuc ka kooban biyo nadiifiye iyo koronto oo ay dowladda Talyaaniga ka hirgelisay isbitaalka Laasareeti ee magaalada Muqdisho.

Hay’adda CIMIC Group ayaa isbitaalka Laa-saleeti gaar ahaan qeybta lagu xanaaneeyo dadka qaba xanuunka dhimirka ka fulisay mashaariicdaan,taas oo ay ka mahadceliyeen maamulka isbitaalka.

Madaxa isbitaalka Laasareeti Faadumo Cabdi Macow ayaa dowladda Talyaaniga iyo maamulka gobolka uga mahadcelisay mashruucaan ay ka fuliyeen isbitaalka.

Sii hayaha safiirka dowladda Talyaaniga ee Soomaaliya Danjire Tabio Massimo ayaa ugu hambalyeeyay shaqaalaha hay’adda CIMIC GROUP mashaariicda ay ka fuliyeen isbitaalka, wuxuuna ku dhiirigeliyay in ay sii wadaan adeegyada hormarinta.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa hay’adda CIMIC GROUP (Simik Guruub) uga mahadceliyay mashruucaan, isagoo ka codsaday in ay baahiso mashruuca si loo gaarsiiyo qeybaha kale ee isbitaalka.

Isbitaalka Laa-saleeti degmada C/casiis ayaa ka koobnaa jiray qeybo badan oo lagula tacaalo dadka qaba cudarada kala duwan oo ay kamid yihiin kuwa faafa, waxaana hadda dib u soo kabanaya adeegyadii uu qaban jiray.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.