Sawiro:Aqalka Sarre oo ka dooday dib u eegista Dastuurka Soomaaliya

aqalka

Guddiga Joogatada Golaha Aqalka Sare ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ayaa xarunta Aqalka Sare ku yeeshay kulankiisa 5aad ee Kalfadhiga 7aad, ayada oo uu Ajendahu ahaa dhageeysiga Warbixinta Guddiga Dib-u-eegista Dastuurka.

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo kulanka maanta shir guddomiyay, isla markaana uu goob joog ka ahaa Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Aqalka Sare Senator Mowliid Xuseen Guhaad ayaa guddoomiyaha guddiga dib-u-eegista dastuurka labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid laga dhageystay warbixin ku aadan qodobada muhiimka ah ee dib u eegista lagu sameeyay.

Senatarada ayaa su’aalo ka weydiiyay qaar ka mid ah qodobada wax ka badalka ay ku sameeyeen, iyadoo guddiga uu ka jawaabay su’aalihii la weydiiyay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.