Khasaaraha ka dhashay Qarax caawa ka dhacay Magaalada Muqdisho

muqdisho

Magaalada Muqdisho waxaa caawa ka dhacay Qarax la dhigay Isgoyska Sayidka Kaas oo Gaystay Qasaaro sida ay sheegayaan Dad Goobjoogoyaal ahaa.

Qaraxa ayaa ahaa mid la dhigay wadada dhinaceeda, waxaana halkaas ka dhawaa kaalin shidaal oo la yiraahdo hass.

Inta la xaqiijiyey Labo qof ayaa ku dhaawacmay qaraxaas ka dhacay isgoyska Sayidka ee Magaalada Muqdisho Gaadiidka gurmadka degdega ah ayaa dhaawacyada ula cararay goobaha Caafimaadka.

Qaraxyadii ka dhici jiray Magaalada Muqdisho ayaa aad u yaraaday iyadoo Ciidamada Amniga ay adkeeyeen Amaanka guud ee Caasumada Soomaaliya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.