Sawiro:Deni oo Kulan Laqaatay Mucaaradka Dowlada

xasanshiiq

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna guddoomiyaha Xisbiga Midowga Nabadda & Horumarka (UPD) Xassan Sheekh Maxamud iyo masuuliyiin ka tirsan xisbiga UPD ayaa hoygiisa kusoo dhoweeyay madaxweynaha Punland Saciid Cabdullaahi Deni iyo wafdiga uu hogaaminayo ee booqashada ku jooga Muqdisho.

kulankaan ay wada qaateen madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni waxaa ku waheliyey Guddoomiyaha xisbiga Horu-socod Qaran Shariif Xassan Sheekh Aaden, guddoomiyaha xisbiga Himilo Qaran Xidlhibaan Suleyman Mohamud Hashi, hogaamiyaha xisbiga Wadajir Cbdirahman Cabdishakur Warsame, guddoomiyaha xisbiga Kulan Mohamed Abdirahman Siiriin iyo masuuliyiin kale oo Madasha Xisbiyada Qaran ka tirsan.

Kulanka ayaa la isku xog wareystay xaalada guud ee dalka iyo arimaha doorashooyinka ee taagan, iyada oo kulanka Madaxweynaha Puntland iyo Xubnaha mucaaradka uu ahaa mid uu kala tashanayay arrimo la xiriira kulanka uu la yeelanayo Madaxweyne Farmaajo.

xasan
xasanshiiq

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.