Sawiro:Balcad oo laga Dhagax dhigay iskuul lagu baranayo Beeraha

bare

Sii hayaha wasiirka waxbarashada xukuumadda federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre oo ay wehliyaan wasiirka waxbarashada Hirshabeelle ayaa dhagax dhigay Dusiga beeraha Balcad kaasi oo loogu talagalay in kor loogu qaado wax soo saarka deegaanka maadaama gobolka shabeellaha dhexe uu ka mid yahay kuwa ugu badan ee lagu beeraha dalagyada kala duwan ee dalkeyna ka baxa waxaana laga hirgeliyay degmada Balcad.

Munaasabadaan waxaa goob joog ka ahaa maamulka Gobolka ,kan degmada iyo masuuliyiin ka socotay dowlad goboleedka hirshabeelle.

Guddoomiyaha Degmada Balcad Qaasim Cali Nuur iyo guddoomiyaha gobolka shabeellaha dhexe Axmed Mayre Makaraan ayaa sheegay in dusgigaan uu waxbadan kusoo kordhindoono wax soo saarka isla markaana ay uga faa’ideysan doonaan.

Wasiirka waxbarashada dowlad goboleedka Hirshabeelle Dr Cabdulaahi Abuukar xuseen ayaa sheegay inay dugsigaan ay ka faa’ideysan doonaan bulshada Soomaaliyeed waxaana uu uga mahadceliyay sida dowladda dhexe ay uga go’antahay kor u qaadista wax soo saarta dalka.

Sii hayaha wasiirka waxbarashada xukuumadda federaalkla Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre ayaa sheegay in dowladda Soomaaliyeed ay iskuulkaan ugu talagalay cilmiga iyo tayada wax soo saarka dalka kor loogu qaado goobtaana ay tahay meel muhiim u ah dadka soomaaliyeed.

“Dusigaan beeraha balcad oo aan ugu talagalnay wax soo saarka gobolka looguma yeeri karo magac kale waxaana dowladda Soomaaliyeed ka go’an xoojinta wax soo saarka dalka”ayuu yiri wasiir goodax.

Waa dugsigii ugu horeeyay oo nuucaan ah ee laga  hirgaliyo degmada Balcad ee gobolka shabeellaha Dhexe waxaana mashruucaan fulinayo dowladda Soomaaliya oo kaashaneysa Midowga Yurub.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.