Sawiro:Axmed madoobe oo Ciidamo Tababar usoo xiray

axmed madoobe

Madaxweynaha Maamulka goboleedka  Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa Tababar usoo xiray Cutubyo ka tirsan Ciidamada darawiishta dowlad goboledka  Jubbaland kuwaasi oo qeyb ka ah howl-galada ka dhanka ah argagixisada.

Ciidamadaan oo si gaar ah u tababaran ayaa ka qayb-qaadanaya Howlgalada lagu cirrib tirayo Kooxda Al-Shabaab oo ay wadaan ciidamada darawiishta Jubbaland iyo kuwa xoogga dalka ee deegaannada Jubbaland.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa sheegay in la isku furi doono Magaalooyinka la xureeyay  sidoo kalana ay ciidamadan qaadi doonan howlgal ka dhan ah deegaannada ay Argagixisadu ku sugan yihiin iyagoo kaashanaya dadka Shacabka ah si ay uga dulqaadan dhibaatada ay Argagixisadu ku hayso.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.