Caabudwaaq oo Noqotay Magaalada Kaliya ee Cashuur ka Bixisa Galmudug

qoorqoor

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye ayaa Maanta kormeeray xarunta Wasaarada Maaliyadda ee Galmudug, si uu ugu kuurgalo shaqooyinka baaxadda leh ee ka socda halkaas.

Wasiirka wasaaradda Maaliyadda mudane Farxaan Cali Maxamuud ayaa madaxweynaha kusoo dhaweeyey Wasaaradda maaliayadda isagoona mid mid usoo tusay xafiisyada qeybaha  wasaaradda.

Degmada Caabudwaaq ee Gobolka galgaduud ayaa noqotay Magaalada sida tooska ah ugu shubtay Canshuurta lag aruuriyo Caabduwaaq Qasnada Wasaarada maaliyada Galmudug.

Degmada Caabudwaaq oo baahiyo badan ka jiraan ayaanan waxba ka helin mashaaricda soo gala Galmudug sida shaqaalaynta Dhalinyarada, maalgalinta dadka dan yarta ah oo ugu horeeyaan Haweenka iyo Mashaaric kala duwan ee lagu horumarinayo kaabayaasha Bulshada.

waxaa kaloo Burbursan Garoonka Diyaaradaha Degmada Cabudwaaq kaas oo u baahan dayactir Balaaran mana jiraan wax dhaqaalo ah oo kasoo gaaray Maamulka Galmudug balse badalkeeda waxay qaataan Canshuurta Magaalada Caabudwaaq.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.