Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya oo waqtiga loo kordhiyey

Un

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa fadhi gaar ah oo ay yeesheen waxaa ay kaga hadleen muddo kordhinta Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya UNSOM.

15-ka xubnood ee golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa Cod aqlabiyad ku ansixiyay in hal sano oo kale loogu daro Xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya, waxaana muddo xileedkooda ay sii wadi doonaan illaa 31-ka Bisha Agoosto 2021.

“Qoraarka tirsigiisu yahay 2540 oo ay Golaha Ammaanka ee QM wada aqbaleen waxa uu ka codsanayaa Howlgalka UNSOM inay sii wadaan, siina xoojiyaan joogitaankooda gudaha Soomaaliya iyo dhamaan Dowlad gobaleedyada xubnaha ka ah Fedeeralka Soomaaliya” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Golaha Ammaanka.

Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa waxaa looga mahadceliyay taageerada ay siiyaan Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan arrimaha doorashooyinka oo la filayo in dalka ay ka dhacaan dhamaadka Sanadkaan 2020/2021.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.