Wasiirka Maaliyada oo u Hambalyeeye Madaxweynaha Bangiga Horumarinta Afrika

Bayle

Siihayaha Wasiirka Maaliyadda ee Soomaaliya Dr Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa aaladda fogaan aragga uga qeyb galay shir lagu dooranayay Madaxweynaha Bangiga Horumarinta Afrika (AFDB), kaasi oo markale Dr Akinwumi Adesina dib loogu doortay.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa bartiisa ku soo qoray “Waxaa maanta inoo soo gaba-gaboobay shir soconayay mudo labo maalmood ah oo lagu dooranayay Madaxweynaha Bangiga Horumarinta Afrika (AFDB), waxa aan hambalyo u dirayaa Dr Akinwumi Adesina oo maanta mar kale dib loogu doortay xilka Madaxweynaha Bangiga Horumarinta Afrika”.

Dr Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa Bangiga Horumarinta Afrika uga mahadceliyay  doorkii uu ka qaatay hannaanka deyn cafiska Soomaaliya.

“Waxa aan  u mahadcelinayaa Bangiga Horumarinta Afrika oo taageero joogta ah siiya Dowladda Federal Soomaaliya, sidoo kalena gacan weyn ka geystay hanaanka Deyn Cafinta Soomaaliya”. Ayuu yiri Wasiir Beyle.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.