Masuuliyiin ka tirsan Dowlada Soomaaliya oo Xukun lagu riday

maxkamad

Xukunka maxkamadda gobolka Banaadir ay maanta ku riday saraakiisha ka kala tirsan wasaaradda Warfaafinta, Kalluumeysiga, Maaliyadda iyo milkiiliyaal shirkadeed ayaa kala ah.

Aweys Xasan Cumar, oo ah xisaabiye ka tirsan waaxda maaliyadda wasaaradda warfaafinta ayaa maxkamaddu ku xukuntay hal sano iyo 6 bilood xabsi ah iyo ganaax lacageed oo gaaraya 255,25,000 oo shillin Soomaali ah oo u dhiganta $ 1,183 USD.

Khadar Aweys Xasan, waxaa lagu xukumay 3 sano oo xabsi ah iyo ganaax lacageed oo dhan 295,25,000 oo Shillin Soomaali ah oo lamid ah $ 1,183 USD.

Guuleed Ibraahim Maxamed, oo ah agaasimaha waaxda Maaliyadda wasaaradda Kalluumeysiga waxaa lagu xukumay 10 sano oo xabsi ah iyo ganaax lacageed oo gaaraya 59,173,000 oo Shillin Soomaali ah oo u dhiganta $137, 907 USD.

Cali Sheekh Doon Cabdi, oo ah madaxa hubinta xafiiska Xisaabiyaha guud ee dowladda federaalka waxay maxkamaddu ku xukuntay 9 sano oo xabsi ah iyo ganaax lacageed oo dhan 88,725,000 oo Shillin Soomaali ah isla markaana $3,549 USD, sidoo kale waxaa lagu amray in qasnadda dowladda ku soo celiyo $58,555 USD oo ah lacagtii uu lunsaday.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.