Sawiro:Munaasabad lagu Taageerayay Shirkii Dhuusamareeb 3 ayaa ka dhacday Magaalada Dhusamareeb

qoorqoor

Munaasabad ballaaran oo lagu Taageerayay Mirihii ka soo baxay shirkii wadatashiga ee Dhuusamareeb Saddax ayaa xalay lagu qabtay fagaaraha Shiirkole ee magaalada Dhuusamareeb.

Munaasabaddan waxaa soo agaasimay maamulka Caasimadda, iyadoona ayna ka qeybgaleen madaxweynaha dowlad goboleedka  Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye, goddoomiyaha golaha wakiilada Mudane Maxamed Nuur Gacal, Xubno ka tirsan goleyaasha xukuumadda iyo barlamaanka iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi kaariye (Qoor-Qoor) ayaa ku amaanay bulshada Galmudug isku duubnida ay muujiyeen in shirarka mashquulka badan ay ka socdeen magaalada waxaana sidoo kale uu sheegay in Galmudug ay mar walbo u taagantahay sidii dalkaan loo gaarsiin lahaa hormar iyo dowladnimada la xoojiyo.

This image has an empty alt attribute; its file name is 118208722_3234964349873904_8952779497642775374_o.jpg
This image has an empty alt attribute; its file name is 118327065_3234970466539959_4805156769613307694_o.jpg

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.