Maamulka koonfur Galbeed ayaa Toogtey niman Baydhabo kufsi ugu geysteen wiilal yaryar

baydhabo

Maamul Goboleedka koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa Maanta Toogatey dembiilayaal loo heystay inay magaalada Baydhabo kufsi ugu geysteen wiilal yaryar bilihii Lasoo dhaafey ee sanadkan.

Dadwenaha kunool magaalada Baydhabo ayaa aad u hadal haayey dhacadooyinkan oo kubeerey walwal iyo walbahaar, waxaana isasoo tarayey codsiyo farabadan oo ay usoo jeedinayeen madaxda Dowladda Koonfur Galbeed in wax laga qabto falalkan ay wax magaratada ugeysaneyaan caruurta yaryar ee kunool magaalada Baydhabo.

Shacabka magaalada Baydhabo ayaa aad usoo dhoweeyey talaabadaan ay Koonfur Galbeed ay ku qaadey dembiilayaashan falalka tacaddiga jinsiga ah ka geystey Baydhabo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.