Madaxweyne Farmaajo oo guddoomiyey kulan hordhac u ah Shirka Dhuusamareeb 3

farmaajo

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan hordhac u ah Shirka Wadatashiga Dhuusamareeb waxa uu la qaatay Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada, Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye, Hirshabeelle Mudane Maxamed Cabdi Waare, Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed.

Madaxda oo iska xog wareystay hannaanka geeddi socodka doorashooyinka dalka, xaaladda siyaasadeed iyo amni ayaa wadajir u cambaareeyey weerarkii gaadmada ahaa ee argagixisadu ay ka fuliyeen mid ka mid ah hoteellada magaalada Muqdisho, waxa ayna uga tacsiyeeyeen qoysaska, ehelada iyo guud ahaan Umadda Soomaaliyeed muwaadiniinta geeriyootay.

Sidoo kale, Madaxda ayaa adkeeyey muhiimadda ay midnimadu iyo wadajirku u leeyihiin dagaalka ka dhanka ah argagixisada Alshabaab, dib u dhiska Ciidamada Qalabka Sida iyo xaqiijinta hiigsiga shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku bogaadiyey Madaxweyneyaasha Galmudug, Koonfur Galbeed, Hirshabeelle iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir sida ay uga go’an tahay in la sii ambaqaado wadahadallada muddaysanaa ee heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed, taas oo lagaga arrinsanayo hannaanka doorashooyinka dalka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.