Daawo:Ciidamada Amniga soo afjaray Weerarkii Hotel elite iyo qasaaro ka dhashy

elitehotel

Ciidamada Amniga ayaa ku guuleystay in ay soo afjaraan howgal ay ka sameeyeen Hotel Elite ee magaalada Muqdisho waxaana ay ciidanku soo badbaadiyeen dadkii ku go’doomay Hotelka.

Inta la xaqiijiyay Tirada dadkii ku dhintay weerarkii galabta cadawgu ku qaaday Elite Hotel ayaa ah 16 ruux, halka dhaawacyada ay yihiin 18 ruux.

Dadka ku dhintay weerarka ee 16 ka ruux ah 5 ka mid ah waxaa ay ahaayeen Meleahiyadii weerarka fulisay, Halka Ciidamada Booliska Harmacad ee howlgalka gurmadka ah sameeyay uu ka geeriyooday 1 Askari.

Waxaa sidaas warbaahinta Qaranka u xaqiijiyay ku simaha taliyaha qeybta guud ee booliska gobolka Banaadir Maxamuud Cabdulqaadir Xaaji (Jeego).

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.