Sawiro:Caabudwaaq oo Kaalimaha hore ka gashay Imtixaanka dugsiyada Sare ee Galmudug

Galmudug

Makadaxweyne iyo ku xigeenka dowlad goboleedka Galmudug Mudane Cali Daahir Ciid iyo xubo ka tirsan golaha wasiiradda ayaa ka qeyb-galay xaflad lagu shaacinayay natiijada imtixaankii fasalada sideedaad ee dugsiyada sare ee dalka oo xalay lagu qabtay magaalada Dhuusamareeb.

Munaasabadaan oo lagu shaacinta natiijada imtixaanka qaran ayaa waxaa soo qaban qaabiyay wasaaradda waxbarashada Galmudug.

Wasiirka waxbarashada galmudug Maxamed Xaashi Dhoore ayaa waxa uu ka warbixiyey sida imtixaanka Ardaydu u gashay iyo sida kaalimaha loogu kala sareeyey.

Madaxwayne ku-xigeenka  Galmudug oo munaasabada soo gabagabeeyey  ayaa waxa sheegay in madaxda galmudug ay muhiimada siineeyso waxbarashada deegaannada galmudug.

Wasaarada waxbarashada galmudug ayaa ku guulaysatay in deegaannada Galmudug iskuulada ku yaal ay ka qaado imtixaan mideysan kaasi oo arday ka badan laba kun ay u fariistaan sanad dugsiyeedka 2019-2020 waxaana kaalimah sare galay ilaa toban Arday.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.