Sawiro:Madaxweyne Laftagareen oo Muqdisho kula kulmay Masuliyinta Qaramada Midoobay

laftagareen

Madaxweynaha dowlad goboleedka Koofur-galbeed Soomaaliya  Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-Gareen) ayaa maanta magaalada Muqdisho kula kulmay Ku Xigeenka 1-aad ee Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Soomaaliya .

Sidoo kale kulanka waxaa goobjoog ahaa wakiilada dowladdaha mareykanka , yuukay ,iyo Mas’uul ka socday EU oo kulanka uga qeybgalay aalada la isku arko ee fogaan araga.

Ujeedka kulanka ayaa ahaa sidii loo ilaalin lahaa xasiloonida guud ee dalka, iyo sidii looga wada shaqayn lahaaa in doorashada dalka waqtigeeda ku dhacda.

Inta kulanka socday waxaaa la isla soo hadal qaday natiijadii ka soo baxday Shirkii lagu soo gabagabeeyay magaalada Dhusamareeb  ee u dhaxeeyay madaxda qaranka iyo kuwa dowlad goboleedyada dalka oo looga hadlay xaalada kala guurka dalka oo ay ugu weyntay arrimaha doorashooyinka dalka ee 2020/201.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.