Sawiro:Madaxweyne Deni oo gaaray Degmada Goldogob

deni

Madaxweynaha Maamul goboleedka  Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gelinkii dambe ee maanta waxaa siweyn loogu soo dhoweeyay degmada Galdogob ee gobolka Mudug.

Soo dhaweynta wafdiga waxaa ka qeyb-ka qaatey qeybaha kala duwan ee bulshada oo isagu jira dhallinyaro,Haween,odoyaasha dhaqanka iyo guud ahaan wax garadka .

Intaas ka dib ayaa wafdiga waxa ay kulan bulshada ay goob joog ka ahaayeen ku qaateen hool loo diyaariyay in madaxweynuhu uu kala hadlo xaalada iyo inay iska xogwareystaan baahiyaha bulshada iyo hormarka deegaanka.

Madaxweynaha Maamul goboleedka Punland Dr Saciid Cabdullaahi Deni oo la hadlayay bulshada ayaa uga mahadceliyay soo dhaweynta diiran ee loo sameeyay, waxaana sidoo kale uu ugu baaqay inay bulshada waqti walbo isku duubnaadaan .

Madaxweyne Deni sidoo kale waxa uu sheegay in Galdogob ay u yimaadeen mashaariic dhowr ah inay ka fuliyaan oo ay ka mid tahay wadooyinka iyo goobaha kale ee danta guud.

Wafdiga uu hogaaminayo madaxweynaha Punland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa kasoo kictimay magaalada Galkacyo oo maalahaan ay ku sugnaayeen waxaana sidoo kale ay safarkaan shaqo ku tagi doonaan deegaanno kale oo ka tirsan Punland.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.