Dhoobley:Diyaarad Sahay U Sidday Ciidammada Kenya oo Burburtay

Diyaaradbardheere

Diyaarad sahay u siday Ciidamada Millateriga Kenya ayaa ku dhacday garoonka diyaaradaha ee magaalada Dhoobley ee gobolka Jubbada hoose Soomaaliya.

Diyaaraddan oo sahay u siday ciidamada Kenya ee ku sugan saldhigga Dhoobley, ayaa la sheegay inay dhacday markii ay isku diyaarinaysay inay cagaha dhigato garoonka.

Inta la xaqiijiyay hal qof oo ahaa duuliyihii diyaaradda ayaa ku geeriyooday, waxaana sidoo kale jira dad ku dhaawacmay.

Diyaaraddan ayaa noqonaysa tii saddexaad ee muddo laba bilood gudahood ah ku dhacda gudaha dalka Soomaaliya, dhammaan diyaaradahaas ayaa ka diwaangashanaa Dalka Kenya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.