Maraykanka oo Walaac ka muujiyey Qaabka xilka looga qaaday Khayre

safiirusa

Dowladda Mareykanka ayaa walaac ka muujisay qaabka ay u dhacday xil ka qaadista Xasan Cali Kheyre, waxaana war-bixin qoraal ah oo ka soo baxday safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya lagu sheegay in dowladda Mareykanka ay ka xun tahay ficilladii madaxweynaha iyo aqalka hoose ee baarlamaanka ee ay kalsoonida kagala noqdeen xukuumadda, taa oo la sheegay in ay xagal daacineyso geedi socodka wadahadallada iyo wada xaajoodyada u dhaxeeya dowladda federaalka iyo maamul-goboleedyada.

Safaarada ayaa intaa ku dartay in habraacii khaldanaa ee baarlamaanka uu dib u dhac u keenayo qorshihii dib u habeynta iyo taageerada Maraykanka uu siinayay Soomaaliya.

Waxana safaaradda ay sheegtay in xasilooni, ammaan iyo horumar lagu gaari karo oo kaliya wax wada qabsi iyo hogaamiyaasha Soomaaliyeed oo ay meel dhexe isugu yimaadaan.

Haddii shaqsi ama hay’ad ay raadiso inay awoodda kaligeed maroorsato waxa ay carqaladaynaysaa xasiloonida qaranka oo dhan ayaa lagu sheegay qoraalka ka soo baxay safaaradda Maraykanka ee dalka Soomaaliya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.