Sawiro:Xaflada loo sameeyay Golaha Shacabka ee Ansixiyay Mataalada Gobolka Banaadir

cumarfilish

Munaasabada balaaran oo loogu mahadcelinayay xildhibaanada golaha Shacabka ee Barlamaanka Federalka Soomaaliya ayaa xalay lagu qabtay hoolka xarunta Tiyaatarka qaran.

Xafladaan ayaa waxaa ka qeyb-galay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, Ra’iisulwasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guulee Qadar, Wasiiro ka tirsan Xukumadda Federaalka Soomaaliya ,Xildhibaano la tirsan labada gole ee Barlamaanka ,Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa caasimada,ku xigeenadiisa fanaaniin ,Abwaano iyo marti sharaf lagu casuumay.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa u Mahad Celiyay Xildhibaanada sharafta leh oo si aqlabiyad leh u ansixiyay Matalaada Gobolka Banaadir.

“Waxaan uga mahadcelineynaa sida sharafta leh ay u ansixiyeen in bulshada Gobolka Banaadir ay helaan xubo ku matalo golaha aqalka sare ,waxaana bulsho weynta caasimada aan leeyahay guusha waa soo dhawaatay dowladdiina ayaa idin garab taagan”Ayuu yiri guddoomiye cumar Filish.

Xildhibaanada golaha shacabka ayaa kulan ay ku yeesheen  magaalada muqdishi ku ansixiyay 13 xubnood uu gobolka banaadir ku yeelan doono golaha aqalka sare ee dalka si ku dhawaad 4 milyan ee bulshda ku nool gobolka ay u helaan xuquuqda ay ku leeyihiin matalaad .

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.