Galmudugta loo dhan yahay oo beenowday

Qoorqoor

Ra’iisalwasaaraha Soomaliya Xasan Cali Khayre ayaa markii uu ku hawlanaa Dhisada maamulka Galmudug ayaa waxuu Balan qaaday inuu dhisaayo Galmudug loo dhan yahay oo Bulshada Galmudug u adeegta.

Markii la doortay Madaxwaynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye QoorQoor ayaa waxuu sheegay inuu soo dhisaayo Maamul ku dhisan Cadaalad iyo wax qabad balse Badelkeedi waxuu noqday mid aan Bulshada Galmudug aysan ka dhex Muuqan oo dhinac ka raran.

Masuuliyiintaan Masawiradooda kor ka muudaan qaar kamida Waa wasiiro ka tirsan Galmudug Qaarna Jagoon aan la sheegin ayaa loo magacaabay waxayna dhamaantood ka qayb galeen kulankii dhexmaray Madaxwaynayaasha Puntland iyo Galmudug ee ka dhacay Gaalkacyo.

Masuuliyiinta Madaxwaynaha Galmudug La sawiran ee shir walba kala qayb gala ayaa kala Wasiirka Amniga Fiqi, wasiirka Dekadaha Galmudug  Sabir Shuriye, Kamaal Guutaale ayaa waxaa lasheegay in loo Magacaabay wakiilka Gargaaraka caalamiga ah ee Galmudug, Mahad salaad la taliyaha Gaaraka ah ee Madaxwayne qoorqoor, Axmed Cabdisalaan Xaaji Aadan lama garayo Jagada uu u ahayo Maamulka Galmudug oo shirkii Madaxwaynayaasha Puntland iyo Galmudug ku magacaabnaa.

Beelaha Galmudug ayaa Marar Badan cabasho ka Muujiyey habka qaldan ee Madaxwayne qoorqoor wax kuwado.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.