Shirka Nabadeynta Beelaha Leelkase & Sacad ayaa ka furmay Magaalada Bandiiradley ee Gobolka Galmudug, Xildhibaano ka tirsan labada aqal ee DFS, Wasiiro Puntland & Galmudug ayaa shirka ka qaybgalay.
Shirweynahan oo socon doona muddo 5 cisho ah isla markaana looga hadli doono xalinta colaad beeleedyo muddooyinkii u dambeeyay ka taagnaa deegaannada Galbeedka Gobalka Mudug ayaa ka furmay deegaanka Bandiiradleey ee Gobalka Mudug
Deegaanka Taaroge oo dhaca galbeedka magaalada Gaalkacyo ayaa mudooyinkii u danbeeyay waxaa ku soo noq noqonayay colaado iyo dagaal beeleedyo sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo kala gaaray beelaha halkaasi wada daga ee kasoo kala jeeda Galmudug iyo Puntland.




Leave a Reply