Musharax Xilibaan Cabdisalan Saciid oo kasoo horjeestay nidamka Matalaada Aqalka Sare ee Gobolka Banadir

cabdisalaaan

Musharax Xilibaan Ee DF Somaliya Mudane Abdisalam Said Hajji Ahmed. Ayaa Si Aad Ah Ugu Soo Horjeestay Matalaada Aqalka Sare Ee Gobolka Banaadir.

7 kursi Ee Gudiga Wada Jirka Barlamaanka Ay U Qoondeeyen Gobolka In Aqalka sare. Ku Waasoo Lagu Qaybsanaayo Nidaamka 4.5

Hadalka Musharax Xilibaan Abdisalam Said Hajji Ahmed Ayaa Ku  Soo Aadaayo Xili Ay Cawa Kulan iskugu yimaadeen.

Wasiiro, Xildhibaano iyo Senataro ka soo jeeda Beelaha Hawiye Oo caawa kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho.

Xubnaha shirka ka qeyb galaya ayaa waxaa ka mid ah wasiirka Amniga DF Maxamed Abukar Islow Ducaale, Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Cabdi Canshuur. 

Wasiirka Ganacsiga, Wasiiru dowlaha Gaadiidka, Wasiir ku-xigeenada Dekedaha iyo Dhalinyarada Iyo isboortiga, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Guddoomiye, qaar ka mid ah guddoomiye ku-xigeenada & xubno kale.

Sida ay wararku sheegayaan waxaa kulankan looga hadlayey Matalaada Aqalka Sare ee Gobolka Banaadir iyo 7 kursi ee Guddiga wadajirka Baarlamanka ay u qoondeeyeen gobolka in Aqalka sare kuwaasoo lagu qeybsanayo nidaamka 4.5.

Waxgarad iyo siyaasiyiin badan oo ka soo jeeda beelaha Hawiye ayaa si weyn uga soo horjeestay in xubnaha aqalka sare laga siiyey gobolka Banaadir lagu qeybiyo nidaamka 4.5, iyagoo xusay in xubnaha cusub ay xaq u leeyihiin beelaha dega Muqdisho oo kaliya.

Arrintan ayaa dhalisay hadal heyn iyo doodo kala duwan iyadoo dadka qaar ay difaacayaan in xubnaha Muqdisho laga siiyey Aqalka sare lagu qeybiyo 4.5 iyagoo daliishanaya in Xamar ay tahay caasimad u dhexeysa umadda Soomaaliyeed, ayna ganacsi iyo degaanba ku leeyihiin beelaha Soomaalida oo dhan

Gedotimes.com 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.