Diyaraadii Shanaad oo sida Soomali ayaa timid Magaalada Muqdisho

diyaarad

Diyaaraddii Shanaad oo sida mawaadiniin Soomaaliyeed oo ku xayirnaa dalka Sacuudiga ayaa ka soo degtay garoonka diyaaradaha Aadan cadde ee magaalada muqdisho, tirada guud ee dadka maanta diyaaraddu keentay ayaa ah 125 ruux.

Dowladda Soomaaliya oo ka jawaabeysay cabashada muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku xayiran dalka dibaddiisa ayaa waxa ay dalalka Turkiga,Kenya,iyo Sacuudiga ka keentay muwaadiniin ku xanibnaa  waxaana ay ka dambeysay ka dib markii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaalia Maxamed Cabdullaahi farmaajo uu amray in guud ahaan dadka ku xayiran wadamada caalamka dalka dib loogu soo celiyo.

Shantii maalin ee la soo dhaafay shan duulimaad oo ka yimid dalka Sacuudiga waxaa ay keeneen dad gaaraya 581 qof.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.