Sawiro:Dowladda oo Qalab Caafimaad iyo Dawo Gaarsiisay Gobalka Gedo

bardheere

Mas’uuliyiin ka socota Xukuumadda oo ay hoggaaminayen howl-wadeenno ka tirsan Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa maanta qalab caafimaad iyo dawooyin gaarsiiyay Baardheere, Garbahaarrey, Doolow, Luuq iyo Beled Xaawo, si sare loogu qaado awoodda la tacaalidda xanuunka COVID-19.

Wafdiga waxa Ka mid ah Wasiir ku xigeenka Petrol Mudane Mohamed Abdikhadir Hilal iyo Wasiirk ku xigeenka Biyaha iyo Tamarta, Mudane Xil Osman Libaah Iyo Dr Abdiqani Sheikh Omar  Oo Kamid Ah Madaxda  Siyaasiinta Ka Soo Jeeda Gobolka Gedo

Qalabka caafimaad ee lagu wareejiyay Baardheere, Garbahaarrey, Doolow, Luuq iyo Beled Xaawo waxaa kamid ah dharka ay xirtaan howl-wadennada ka howl gala xarumaha lagu daweeyo bukaannada uu soo rito COVID-19.

Mas’uuliyiinta magaalooyinka la geeyay qalabka caafimaad ayaa ka mahad celisay dawada iyo qalabka caafimaad ee dowladda Federaalku ku wareejiyay.

Howl-wadeennada farsamo ee Baardheere, Garbahaarrey, Doolow, Luuq iyo Beled Xaawo  geeyay taageerada Xukuumaddu ku xoojineysay awoodda ay u leeyihiin xakameynta Feyruska Karoona ayaa sidoo kale socdaalkoodu salka ku hayay inay Qiimeyn ku sameeyaan xaaladda guud iyo xarumaha loo qorsheeyay in dadka lagula tacaalo, si loo ogaado baahida jirta, looguna qorsheeyo taageerada dheeraadka ah ee ay u baahanyihiin.

Fariin:”Inta uu taxadarkaagu la eg yahay ayey kuu jirtaa halista cudurka, ka digtonoow”.

WWW.GEDOTIMES.COM

.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.