Sawiro:Banaanbax looga soo horjeedo Maamulka Galmudug oo kadhacay Balanbale

balanbal

Degmada Balanbale ee Gobolka Galgaduud waxaa ka dhacay Banaanbax xoogan oo looga soo horjeedo Madaxda Maamulka Galmudug.

Degmada Balanbale waxaa isugu soo baxay Dadweyne farabadan oo isugu jira dhalinyaro, Haween, Caruur iyo Odayaal iyagoo soo buuxiyey waddooyinka waaweyn ee Magaalada.

Banaanbaxa ayaa ku qeylinaya Erayo ay uga soo horjeedan Galmudug, waxaana kamid ah doonimeyno Galmudug iyo Erayo kale, isla markaana waxaa waddooyinka ay ku gubayaan taayaro waaweyn iyo masawirada Madaxda Galmudug.

Maamulka iyo Bulshada Balanbale ayaa sheegeen inay aad uga xun yihiin qorshaha ka dhan ka ah Degmada Balanbale oo ay soo bandhigtay Wasaaradda qorsheysanta Galmudug kuna saabsan Mashruucyo, kuwaasi ah oo maal galinayso Midowga Yurub.

balanbal
balanbal
balanbal
galmudug

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.