Sawiro:Dowladda oo gurmad caafimaad gaarsiisay Cadaado

cadaado

Diyaarad siday agab caafimaad ayaa maanta gelinta dambe ka degtay garoonka diyaaradaha magaalada Cadaado, iyadoo ay la socdeen dhakhaatiir caafimaad oo howlo baaritaanno ah oo la xiriirta COVID-19 ka soo sameeynaya degmada Cadaado ee Gobolka Galgaduud, si dheecaanada halkaasi laga soo qaado loogu baaro sheybaarka Qaranka.

Agabka caafimaadka oo isugu jirta marada wajiga lagu xirto, (Face mask), gacmo gashi, sariiro, qalabka dadka neefta siiya iyo agab kale ayaa lagu wareejiyay guddoomiyaha Degmada Cadaado mudane Cabdullaahi Cabdiraxmaan Tootoole oo ka mahadceliyay gurmadka deg deg ah ee lasoo gaarsiiyay.

Guddoomiye Cabdullaahi Cabdiraxmaan Tootoole ayaa xusay in dhakhaatiirta ay dowladda Federaalka u soo dirtay Cadaado ay sameynayaa baaritaanno bukaano looga shakisanyahay in ay qabaan cudurka, balse jawaabta saxda ah laga sugi doono marka ay dhamaato baaritaannada.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.