Shabaab oo Weerar Xalay ku qaaday Dhoobley

shabab

Argagixisada Al-Shabaab ayaa waxaa ay weerar ku qaadeen saldhig ay ciidamada maamulka Jubbaland ku leeyihiin Magaalada Dhoobley ee Gobolka Jubada Hoose.

Weerarka ayaa la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan  ayaa muddo socday,  iyadoona weerarka uu si gaar ah kaga dhacay saldhig tababar uu uga socday ciidamada Jubbaland.

Dagaalkaan ayaa waxuu sababay Qasaaro sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya Magaalada Dhooblay.

Dhanka kale Telefishinka Jubbaland ayaa tabiyey inay ciidamada daraawiishta Jubbaland inay iska caabiyeen weerarkii ay soo qaadeen Al Shabaab.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.