Degmada Buurxakaba oo ku guuleystay tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka

tartan

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii sagaalaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho habeen waliba ayaa waxaa caawa kulankiisa 31-aad ku tartamay kulanka kama dambeysta ah (Final) Degmooyinka Dharkeynley Vs Buurhakaba oo ka kala tirsan Gobollada Benaadir iyo Baay, waxaana barnaamijka sanadkii todobaad oo xiriir ah taabagelineya Maamulka Gobolka Benaadir.

Tartameyaasha labada degmo ee Dharkeynley Vs Buurhakaba ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag labada dhinac.

Dharkeynley

Tartameyaasha Degmada Dharkeynley ee Gobolka Benaadir waxaa la weydiiyey todobo Su’aal, waxa ay ka jawaabeen Labo su’aal, waxaana ay iska qaldeen Shan su’aal, waxa ay ka faa’iideysteen Hal su’aal oo soo hareermartay dhigooda, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Dharkeynley ay heleen waxay noqotay lix (6) dhibcood.

Buurhakaba

Tartamayaasha Degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay waxaa dhankooda la weydiiyay todobo su’aal, waxa ay ka jawaabeen Saddex su’aal, iyagoo iska qalday Afar su’aal, Waxa ay ka faa’iideysteen Labo su’aal oo soo hareer martay Dharkeynley, sidaasi darteed wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Buurhakaba waxay noqotay Toban (10) dhibcood.

Tartamayaasha Degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay ayaa caawa ku guuleystay tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka, halka kaalinta labaad ay galeen dhigooda Dharkeynley, waxaana kaalinta saddexaad ku guuleystay tartamayaasha Degmada Warta Nabadda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.