Degmada Warta Nabadda oo oo kaalinta 3aad ku guulaysatay

tartan

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii sagaalaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho habeen waliba ayaa waxaa caawa kulankiisa 30-aad ku tartamay kaalinta 3-aad Degmooyinka Warta Nabadda Vs Garbahaareey oo ka kala tirsan Gobollada Benaadir iyo Gedo, waxaana barnaamijka sanadkii todobaad oo xiriir ah taabagelineya Maamulka Gobolka Benaadir.

Tartameyaasha labada degmo ee Warta Nabadda Vs Garbahaareey ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag labada dhinac.

Warta Nabadda

Tartameyaasha Degmada Warta Nabadda ee Gobolka Benaadir waxaa la weydiiyey todobo Su’aal, waxa ay ka jawaabeen Afar su’aal, waxaana ay iska qaldeen Saddex su’aal, waxa ay ka faa’iideysteen Saddex su’aal oo soo hareermartay dhigooda, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Warta Nabadda ay heleen waxay noqotay Afar iyo toban (14) dhibcood.

Garbahaareey

Tartamayaasha Degmada Garbahaareey ee Gobolka Gedo waxaa dhankooda la weydiiyay todobo su’aal, waxa ay ka jawaabeen Saddex su’aal, iyagoo iska qalday Afar su’aal, Waxa ay ka faa’iideysteen Labo su’aal oo soo hareer martay Warta Nabada, sidaasi darteed wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Garbahaareey waxay noqotay Toban (10) dhibcood.

Tartamayaasha degmada Warta Nabadda ayaa caawa ku guuleystay inay galaan kaalinta 3-aad ee tartanka..

Habeen dambe haddii uu Alle idmo oo ah habeenka 31-aad ee tartanka, waxaa kulanka damba dambeysta ah (Final-ka) ku tartami doona degmooyinka Dharkeynley Vs Buurhakaba oo ka kala tirsan Gobollada Benaadir iyo Baay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.