Daawo:Shacabka Gedo oo ku daalay sacabtunka Dowlada

gedo

Shacabka Gobolka Gedo ayaa waxaa weerar Joogta ku haya Ciidamada Dowlada Kenya laga soo bilaabo xiligii ay Ciidmada Kenya ka mid noqdeen Amisom.

Ciidamada Kenya ayaa waxay Burburiyeen Isagaarsiinta Deegaanka sida kuwa shirka Hormuud oo dhan 12 Xarumood waxaa adkaaday wada xariirka bulshada iyo adeegsiga EVCga.

Ciidamada Kenya waxay kaloo burburiyeen Ceelishii biyaha waxay laayeen shacabkii iyo xoolihii noolaa waxaana gobolka Gedo ka socda Duqaymo joogta ah kuwaas lagu xasuuqayo shacabka gobolka Gedo.

Dowladihii soomaliya Soo maray oo ugu dambayso mida hada Jirta wax ay ka qabteen Duqaymaha Kenya kawado Gedo Majiraan marnaba Dowlada Hada jirta ma ayasan Dalban inay Ciidamada Kenya ka baxaan Dalka soomaliya, dowladiihii ka Horeeyeyna warkoodaba Daa.

Baaqii u dambeeyey ee Shacabka gobolka Gedo oo aad u taageera Dowlada Soomaaliya ayaa ahaa sidaan “”” DOWLADA SOOMALIYEEDEY SACABKA WAA KU DAALNEY EE HANALA SOO GAARO””” .

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.