Sawiro:Taliyaha ciidanka oo booqday Dugsiga Harqaboobe ee Guriceel

Guriceel

Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka Jeneral Odawaa Yuusuf Raage oo shalay gaaray Magaalada Dhuusamareeb ayaa haatan kormeer Ku gaaray Dugsiga Har-qaboobe ee Guriceel oo ka mid ah Xeryaha Tababarka Qaybta 21-aad oo ay Ku jiraan ciidamo in mudo ahba uu usocdey tababar sare oo lagu barayay xeeladaha dagaalka si loogu diyaar garoobo howlgalada lagu xoraynayo deegaanada Cadawga Alshabaab ay ka joogaan Galmudug .

Jeneraal Odawaa ayaa Ciidamada Dugsiga kujira iyo Saraakiishoodaba Ku amaaney dhabar adeega ay muujiyeen xiliga dheer ee tababarku socdey waxaa uuna balan qaadey in loo dhameystirayo agabkooda si looga faa’iideesto aqoontooda.

Ciidmadaan lagu Tobabaraayo xerada Har qaboobe ayaa marar badan waxay ka Cabteen Dayac iyo xuquuqdoodii oo aysan Helin.

guriceel
guriceel

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.