Sawiro:Jowhar oo la Gaarsiiyey Qalab looga hortago Covid-19

jowhar

Hay’adda Caafimaadka aduunka ee magaceeda lusoo gaabiyo WHO ayaa maanta qalab caafimaad oo ka kooban maaska afka lagu xirti gacmo gashi iyo agabyo kale oo dhammaan looga hortago cudurka sarmarka ee Covid-19 ku wareejisay wasaaradda Caafimaadka hirshabaale.

Agabkaan oo maanta wasaaradda caafimaadka hirshabeelle kula wareegtay Magaalada jowhar ee xarunta gobolka shabeellaha dhexe ayay hay’adda ugu talagashay in lagula dagaalamo cudurka Karoona madaama gobolka ay ka jiro biyo bax kaddib markii uu Wabiga shabeelle uu ku fatahay deegaanno iyo degmooyin ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe.

Wasiirka Caafimaadka iyo daryeelka bulshada ee  dowlad-goboleedka Hirshabeelle Cabdi Macalin Maxamed oo warbaahinta la hadlay ayaa uga mahadceliyay Hay’adda wHo deeqda ay soo gaarsiisay isagoo sheegay in baahi ay uqabeen.

“Waxaan uga mahadcelineynaa deeqdaan agabka caafimaad oo ay inoo keentay maxaa yeelay waa waqti aan baahi qabno maadaama deegaano Hirshabeelle uu soo gaaray cudurkaan Covid-19 “ayuu yiri wasiirka Caafimaadka Hirshabeelle.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.