Sawiro:Dhuusamareeb oo laga Dajiyey Qalabka ka hortaga Coronaha

Diyaaraddaawo

Diyaarad siday gar gaar Caafimaad ayaa saakay ka degetay  Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Dhuusamareeb.

Agabkan Caafimaad oo ay Dowladda Soomaaliya gaarsiisay Dhuusamareeb ayaa isugu jiray maaska afka lagu xerto, agabka gacmaha la gashto iyo qalabkale oo dhammaantood loga tala galay in loo isticmaalo ka hortaga cudurka karoona.

Wafdi ka socday Xafiiska Ra’isulwasaaraha dalka iyo guddiga qaran ee la tacaalida Cudurka Covid -19 ayaana gaarsiiyay qalabkaan Maagalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug.

Dowladda Soomaaliya ayaa hore qalab Caafimaad oo loogu talagalay ka hortaga Cudurka Karoona gaarsiisay Magaalooyinka Jowhar iyo Baydhabo taasi oo qeyb ka ah daawo ay Dowladdu gaarsiineyso dhammaan Maamul Goboleedyada dalka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.