Sawiro:Saddex diyaaradood oo gar gaar u waday Qardho ayaa garay Garoowe

garoowe

Magaalada Garoowe ee caasumada Maamul goboleedka soomaliyeed ee Puntland waxaa Gaaray Sadex diyaaradood oo waday Gargaar iyo Agab kala duwan oo loogu tala galay Bulshada Qardho ee Roobabka daadadka watay saameeyeen kaas oo ka yimid Dowlada Soomaliya.

Wasiirka Qorshaynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Jamaal kana mid ah guddigi gaarka ahaa ee Ra’iisul Wasaare Khayre u magacaabay Gurmadka Qardho iyo deegaanada kale ee dalka ee fatahaaduhu saameeyeen ayaa Hogaaminaayey Gargaarkaan agaaray Puntland

Wafdigan ayaa isla markiiba u sii gudbay magaalada Qardho oo ah halka dhibtu ka dhacday.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.