Gudoomiyaashii Garbahaaray iyo Buurdhuubo oo Xilalkii laga qaaday

Iimaan cadow

Gudoomiye ku xigeenka kowaad ee Gobolka Gedo Cismaan Nuur Xaaji Macalimow ayaa waxuu Xilalkii ka qaaday Gudoomiyaasha Degmooyinka Garbahaaray iyo Buurdhuubo.

Gudoomiyaha Garbahaaray ayaa laga Qaaday Iimaan Cadow Kaarshe waxaana loo Magacaabay Xasan Shiiq Cilmi Faarax.

Gudoomiyaha Degmada Buurdhuubo ayaa loo magacaabay Cali Shariif Cabdulaahi waxaana Xilkaas laga qaaday Xasan Maxamuud Cali.

Maamulka Gobolka Gedo ayaa horay isbadal ku sameeyey Gudoomiyaasha Degmooyinka Luuq, Baladxaawo iyo Doolow oo ka tirsan Gobolka Gedo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.