Garbahaaray oo Tartan Aqoonkii Telefishinka qaranka Guulo kasoo hoyisay

garbaharey

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii sagaalaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho habeen waliba ayaa waxaa caawa kulankiisa Shanaad oo ah wareegga koowaad ku tartamay tartameyaasha Degmooyinka Marka Vs Garbahaareey oo ka kala tirsan Gobollada Shabeelaha Hoose iyo Gedo, waxaana barnaamijka sanadkii todobaad oo xiriir ah taabagelineya Maamulka Gobolka Benaadir.

Tartameyaasha labada degmo ee Marka Vs Garbahaareey ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag labada dhinac.

Marka

Tartamayaasha Degmada Marka ee gobolka Shabeelaha Hoose waxaa la weydiiyay todobo su’aal, waxa ay ka jawaabeen Hal su’aal, iyagoo iska qalday Lix su’aal, waxa ay ka faa’iideysteen Labo su’aal oo soo hareermartay tartamayaasha Garbahaareey, sidaasi darteed wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Marka waxay noqotay Lix (6) dhibcood.

Garbahaareey

Tartameyaasha Degmada Garbahaareey ee gobolka Gedo waxaa dhankooda la weydiiyey todobo Su’aal, waxa ay ka jawaabeen Labo su’aal, waxaana ay iska qaldeen Shan su’aal, dhankooda waxa ay ka faa’iideysteen Labo su’aal oo soo hareer martay dhigooda Marka, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Garbahaareey ay heleen waxay noqotay sideed (8) dhibcood.

Tartamayaasha Degmada Garbahaareey ee Gobolka Gedo ayaa caawa u soo gudbay wareegga labaad ee tartanka.

Habeen dambe haddii uu Alle idmo oo ah habeenka lixaad ee tartanka, waxaa foodda is dari doono, tartamaayasha degmooyinka Shibis Vs Kaaraan oo ka wada tirsan Gobolka Banaadir.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.