Madaxwayne Laftagareen oo Hambalyeeyey Gudoomiyaha Barlamanka Koonfurgalbeed

Laftagareen

Xildhibaannada Maamul goboleedka Koofur galbeed ayaa doortay guddoomiyaha cusub ee baarlamaanka maamulkaas oo ay ku tartamayeen laba musharax.

Fadhiga doorashada ayaa waxaa ku sugnaa 93 Xubnood oo ka tirsan Baarlamaanka Koonfur Galbeed,kuwaas oo musharixiinta u kala codeynayay,waxaana Guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed loo doortey Xildhibaan Dr Cali Saciid Fiqi oo ahaa Safiirka Soomaaliya ee Midowga Yurub.

Dr Cali Saciid Fiqi ayaa waxaa uu helay 84  Cod halka musharixii la tartamayay ee  2 Cod uu helay musharixii la tartamayay ee  Maxamed Cabdiraxmaan,waxaana halaabey 8 Cod.

Guddoomiyaha Guddiga doorashada Guddoonka Baarlamaanka Koonfur Galbeed ayaa ku dhawaaqey in xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed uu ku guuleystay xildhibaan Cali Saciid Fiqi.

Dhanka kale Madaxymaha Koonfurgalbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa u hambalyeeyey Godoomiyaa Cusub ee Barlamaanka Koonfurgalbeed Dr Fiqi.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.