Madasha Aqoonyahanka Gobolka Gedo oo Baaq kasoo saaray Colaada Kismayo

gedo

Bismillaahi Raxmaani Raxiim.

Madasha Aqoonyanka Gobolka Gedo, Garbohaarrey, Gedo, Soomaliya.

Tar: 1/04/2020

Ujeedo: Baaq Nabadeed oo Ku Socda Colaada Kismaayo.

Madadsha Aqoonyahanka Gobalka Gedo (GEDO INTELLECTUAL FORUM)
waxay marka ugu horeysa tacsi u diraysaa eheladii iyo qaraabadii dhammaan dadkii ku geeriyoodey dagaalka ka socda deegaanada hoos yimaada Magaalada Kismaayo. Kuwa dhaawaca ahna Allaha caafiyo Aamiin.

Madasha Waxay ugu baqaysaa walaalaha ku dagaalamaya duleedka Kismaayo in ay joojiyaan colaada si shuruud la’aan ah. Waxaayna Madasha codsaneysaa in tabashooyinka jira lagu xaliyo wadahadal iyo walaltinimo.

Waxay sidoo kale Madasha ka codsanaysaa hoggaamiyaasha, odoyaasha dhaqanka, wax-garadka, culumaa’udiinka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada in ay kaalin weyn ka qaataan sidii loo joojin lahaa dagaalka iyo dhiiga daadanaya ee dadka walaalaha ah.

Madasha Waxay ugu baaqaysaa mar kale waxgaradka iyo odoyaasha labada dhinac in ay waxkastaba u huraan joojinta dagaalka. Madasha waxay ku dhiiri-galinaysaa labada dhinacba inay dhexda u xirtaan sidii lagu gaari lahaa nabad waarta oo u dhaxeysa dadka walaalaha ah ee ku dagaalamaya duleedka Kismaayo.

Ugu danbeyntii waxaan ugu baaqaynaa Qof waliba oo nabadda jecel in uu qeyb ka qaato joojinta dagaalka, gacanna ka gaysto qabashada dib u heshiisiin dhab ah oo laga gaaro dagaalka soo noq-noqday.

Dhamaad…………………………………..

GEDO INTELLECTUAL FORUM (GIF)

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.